Madaxweyne Obama oo ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Boston dalka Maraykanka
Boston April 16 2013 (SDN)— Dadka daawanaya orodka aad ayaa looga xakameeyay inay galaan wadada lagu ordayay oo laba dhinac ayay ka joogeen, Ciyaarta socotay waxay aheyd mid ay la dhacsanaayeen dadka usoo daawasho tagay ,waana orodka marathon-ka loo yaqaan, dadka uma imaan goobta waxa ay la kulmeen balse wey qabsatay, daqiiqado badan oo ay faraxsanaayeen waxay isku badaleen labo meel isku sheegto oo la waayay iyo kuwo qeylo ka dhigtay wehel.
Dadka qaarkii wey adkeyd in la arko si qaraxa looga badbaadiyo, sababtoo ah waxaa qariyay uuro iyo qiiq badan, markii qarax koowaad laga maqlay dhanka midi gee wadada oo dadka ay taagnaayeen.
Wiil sideed sano jir ah ayaa kamid ahaa seddex ruux oo ku dhimatay qaraxyada ka dhacay magaalada Boston ee xarunta gobolka Massachusetts,halka 140 ruux ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen madaxda gobolka.
Dab xoogan ayaa mar qura isqabsaday goobta qaraxyada ay ka dhaceen, waxaana la sheegay in inka badan hal saac qaraxyada laga dareemay deegaanka ,waxaana Ed Davis oo ah madaxa booliska ee Bostonuu sheegay in baaritan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dabka uusan xiriir la laheyn qaraxa dhaca.
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegay inaysan garaneynin waxa sababay ama cidda ka dambeysay qaraxyada laakiin wuxuu farta ku goday in lala xisaabtamo qof walkaa oo qaraxyada ka dambeeyay.
Dadka Maraykanka wey u duceynayaan shacabka Boston, aniga iyo xaaskeyga Mishile waxaan tacsi u diraynaa dadka waxyeelada soo gaartay,iyo qoysaskooda, ilaa iyo hadda mahayso waxa sababay qaraxyada ,mana la ogaan dadka ka dambeeyay inay geystaan falkaasi, waxaan la hadlayaa agaasimaha FBI-da Muller iyo laamaha amaanka waxaan leeyahay waa inaad baartaan waxa dhacay cadaaladana la horkeenaa dadkii ka dambeeyay.
Saraakiil ka tirsan booliska ayaa sheegay inay xereen aalada Taleefoonka deegaanada ku xeeran Boston xarunta gobolka Massachusetts si ay kaga hortagaan waxyaabo kale oo qarxa.
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka ayaa sheegay in ka badan 2 adeegyada qaraxyada ay ka heleen agagaarka goobta qaraxyada ay ka dhaceen .
SDN-Boston