Madaxweyne Obama oo farta ugu yeeray Ismaciil Cumar Geelle iyo arimaha lagala hadli doono
Adis Ababa July 27,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Xuseen Obama ayaa booqasho ku maraya magaalada Adis Ababa halkaa oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Obama Ayaan Jabuuti ku darin dalalka uu booqanayo sababo la xiriira nidaamka dawladeed ee dalkaa ka jira oo aan ku saleysneyn Dimuqraadiyad iyo ku tumasho xuquuqda aadanaha.
Mareykanka ayaa sidoo kale ka walaacsan xiriirada xukuumada Jabuuti la leedahay dalalka Iran, iyo Shiinaha.
Balse intaa oo idil waxa ka madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle uga culeys badan xurgufta siyaasadeed ee ka jirta dalka Jabuuti.
Iyo dib u dhaca dhaqan gelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee shicibka reer Jabuuti doonaya oo caalamku haatan ka war helayo.
Madaxweyne Obama ayaa la sheegay in uu fariin uu u diray madaxweyne Geelle waxa uu uGu sheegay in arimahaa iyo qaar kale ay iska arkaan oo uu yimaado Adis.
Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa beryahan danbe caalamku u soo debcayaa isla markaana uu ku cadaadinayaa madaxweyne Geellle in uu dhaqan geliyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee umadda reer Jabuuti dooneyso.
SDN/QJ-Adis Ababa