Madaxweyne Obaama oo culeys faro badan uu ka soo wejahay qorshihii lagu soo furtay askari Talibanku heysteen shan sanadood
Washington June 05,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa culeys faro badan waxa uu ka soo wejahay qorshe uu kooxda Taliban uga soo furtay askerigii qura ee galay gacanta kooxdaas shan sanadood ka hor.
Culeyskan siyaasadeed ayaa ka dhashay ka dib kolkii ay soo baxday in askariga Mareykanka lagu bedeshay shan ka mida madaxda sare ee Talibaanka oo ku jiray gacanta Mareykanka.
Askariga oo la yiraahdo Bowe Bergdahl ayaa shan sanadoo ka hor ka baxay xeradii uu ku jiray ee dalka Afgaanistaan shan sanadood ka hor sabab aan ilaa iyo haatan la xaqiijin awgeed.
Intii la sii daayay ka dibna waxa soo baxday in Bowe uu iskii uga baxay xerada isagana uu doontay Talibaanka.
Sidoo kale waxa soo baxday in Talibanka Mareykanku sii daayay si askarigan loo bad baadiyo ay ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Talian.
Masuuliyiinta xisbiga Jamhuuriga oo markii hore taageeray siideynta askeriga Mareykanka ah ayaa haatn ka soo horjeestay goaanka madaxweyne Obama.
Obaama ayaa sheegay in ay ka faaiideysteen fursad ay ka soo shaqeysay dawlada Qadar oo Talibaanku ku ogolaadeen in ay ku sii daayaan askariga.
Shanta sarkaal ee talibaanka ah oo laga siidaayay xabsiga Guantanimo Bay ayaa mudo sanad ah lagu heyn doonaa dalka Qadar.
SDN/QJ-Washington
contact@somalidiasporanews.com