Madaxweyne Mursi oo noqday hoggaamiyihii Masar ee muddo 40 sannadood ka badan booqda dalka Iiraan, maxay tahay sababtu?
Qaahira 18, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Masaarida Maxamed Mursi, ayaa booqan doona dalka Iiraan, tobanaan sannadood ka dib markii uu joogsaday xidhiidhka Masar iyo dawladda Tehran.
Siday sheegtay AP oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Qaahira, Madaxweyne Mursi waxa uu shir kaga qaybgali doonaa dalka Iiraan, taasoo ka dhigaysa hoggaamiyihii u horeeyay ee socdaal noocan ah ku taga dalkaas, tan iyo markii ay 1979 dawladda Masar saxeexday heshiiskii nabadeed ee ay la gashay dalka Israa’iil.
Sida uu sarkaalkaasi sheegay, Madaxweyne Mursi waxa uu caasimadda Iran ee Tehran booqan doonaa 30-ka bishan aynu ku jiro ee August, ka dib marka uu ka soo laabto safar uu ku tegayo dalka Shiinaha, si uu uga qaybgalo shirka Non-Aligned Movement.
Socdaalkani waxa uu ku soo beegmay maalmo uun ka dib markii Madaxweyne Maxamed Mursi uu Iiraan ku daray qorshaha kooxda xidhiidhka, si ay u dhexdhexaadiso dhamaynta qulqulatooyinka dagaal ee dalka Siiriya.
Qorshaha kooxda oo ay ku jiraan Masar, Sucuudi Arabiya iyo Turkigu, waxa magaalada barakaysan ee Makka ee dalka Sucuudiga ku soo diyaariyay Ururka Iskaashiga Islaamka.
Qorshaha waxa soo dhaweeyay Telefishanka dawladda Iiraan ee Press TV iyo xubin ka tirsan hoggaanka xisbiga Madaxweyne Mursi ka soo baxay ee Ikhwaanu Muslimiin ee dalka Masar.
Qurbejoog.com, Qaahira