Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo oo Aqbalay Xil Ka Qaadistii Golaha Wasiiradu ku Sameeyeen Hanti dhawraha Guud ee Qaranka
Muqdisho 06. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u aqbalay xil ka qaadistii Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ku sameeyeen Hanti Dhowrka guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo saaray xeer Madaxwayne oo uu ku aqbalay xilka qaadistii hanti-dhawrka guud ay ku sameeyeen golaha wasiirada, kadib markii lagu helay Hanti-dhowraha in ilaaladiisa ka dambeeyeen dilka Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Hanti Dhowraka guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax ayaa ku gacan seeray xil ka qaadista Golaha Wasiirada ku sameeyeen , waxa uuna sheegay in xil ka qaadistiisa aan loo soo marin habkii sharciga ahaa.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Hanti dhowraha Qaranka ayaa timid kadib markii habeen sadexaadkii ciidamo kamid ahaa ilaaladiisa agagaarka ee Hanti dhawruhu ay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ku dileen Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Cabasa Sheekh Siraaji.