|

Madaxweyne Maanta Ma aha Maalintii Aamusnaanta

Hargaysa 5.March 2016 (SDN/QJ):-Arbacadii, la soo dhaafay ayay ahayd maalintii ay kooxda dableyda ahi duleedka Berbera ku dishay taliyihi Booliska gobalka Saaxil Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Casayr.

siilaanyooooooooooooooooDilka Taliye Casayr ayaa abuuray dareen xaasaasi ah oo la wada dareemay sida fudud ee uu halis u gelin karo ammaanka Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo ah hoggaamiyaha qaranka, lana wada sugayay inuu si toos ah uga hadlo dhacdadan, si uu hadalkiis u dejiyo dareenka dad badan oo kacsan ayaa waxa laga hayaa oo keliya qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

Inkastoo qoraalkaas madaxtooyadu ahaa tacsi iyo amar ah in dableydaas la soo qabto, haddana waxa ay dad badani aaminsanyihiin in xaaladda taagnayd darteed ay madaxweynaha seegtay inuu umadda si toos ah ula hadlo.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu wefti culus oo uu ku xigeenkiisu hoggaaminayay u diray magaalada Berbera ee ay xiisadu ka taagnayd, kuwaas oo waajibaadkooda u horeeyaa ahaa soo qabashada dableyda. Hase yeeshee weftigaasi waxay ku guuldaraysteen inay qoyska iyo ehelada taliyihii la dilay ku qanciyaan in maydka la aaso, waxaanu maydku cisbitaalka Berbera yaalay saddex caano maal,

Intaas waxa dheeraa hadalo dhiilo leh oo ay qaar ka tirsan madax dhaqameedku, gaar ahaan boqor Cismaan Buurmadoow oo ay madaxweyne Siilaanyo hayb wadaagaan, dad badanina ku tiriyaan in aanu madaxtooyada ka fogeyn ku hadlay, kuwaas oo ahaa hadalo  fool xun oo durbaanka u tumayay dhiilo colaadeed, sidoo kalena waxa magaalada Ceerigaabo ka dhacay dibad baxyo ay sameeyeen dad la ehel ah taliyihii la dilay, kuwaas oo muujinayay sida ay uga xumaadeen dilkaas, islamarkaana dalbanayay in cadaaladda la horkeeno dadka falka gaystay.

Taliyaha, la dilay ayaa isna miisaan ahaan ahaa sarkaal qaranka ku culus. Wuxuu Saaxil ka hor madax ka soo noqday gobalka Sanaag iyo qaybta bari ee caasimadda Hargeysa, waxaanu dilkiisu leeyahay muuqaal muujinaya inuu ahaa sarkaal culus.

Oday Xaaji Cabdi-waraabe, ayaa dilka marxuum Casayr, ku tilmaamay dhacdo fool xun oo nooceedu dalka ugub ku yahay, “Weerarkan lagu dilay Taliyuhu waxa uu ahaa weerar iyo dhacdo aad u fool xun, oo qaranimadeena iyo jiritaankeena dhib ku ah.”

Sidaas iyo muuqaalkaas marka ay xaaladu leedahay, waxa Madaxweyne Siilaanyo laga sugayay inuu ka baxo aamusnaanta oo uu habeenkii u horeeyayba shacabka la hadlo, uguna baaqo in la is dejiyo, una sheego in la soo qabanayo ciddii falkaas gaysatay oo cadaaladda la horkeeni doono.

Si kastaba ha ahaate, waxa Madaxweynaha seegtay inuu umadda la hadlo, kuna waaniyo in qof kastaa halkiisa xil isku saaro, si looga wada shaqeeyo in xaaladda la dejiyo islamarkaana dhinac keliya oo ah dhinaca wanaagsan wax loo wada dhaqaajiyo. Madaxweyne Siilaanyo, waxa la gudboon marka ay arrimahan oo kale dalka ka dhacaan inuu qaato doorkiisa hoggaamineed oo uu si toos ah iyo si aan toos ahaynba gacanta ula galo xalinta dhibaatada, umaddana u diro farriin hoggaamiye, taas oo wax badan ka taraysa dejinta hadba xiisada taagan.

Comments are closed