Madaxweyne Maamul Goboleed oo Xukuumadda Muqdisho Sharcinimadiisa Diidday Oo Maanta La Dhaariyay
Baydhaba 07.March 2014 (SDN)- Madaxweyne Maamul-goboleed ka mid ah Soomaaliya oo ay sharcinimadiisa diidday Dawladda Muqdisho,ayaa maanta lagu dhaariyay Caasimadda Maamul-goboleedka loogu cumaamaday xilkeeda.
Madoobe Nuunow Maxamed oo dhawaan loo doortay madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo lix gobol ka kooban, ayaa maanta lagu dhaariyay xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Xafladda dhaarinta ayaa lagu qabtay xarunta ADC-da Baydhabo oo ahayd halkii uu ka socday shirkii lagu dhisay Maamulkan, iyadoo ay dhaarta goobjoog ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Dadweyne farabadan, ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta, waxaana xildhibaannadii goobta dhaarinta ku sugnaa ka mid ahaa, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo dhammaantood ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Nuunow ayaa waxaa xilka loo doortay Isniintii aan soo dhaafnay isagoo lix xubnood oo la tartamayay ka guuleystay, waxaanu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay ee loo doorto loona dhaariyo hoggaaminta Maamulkan cusub oo ay dowladda Soomaaliya kasoo horjeesatay dhismihiisa.
Dhanka kale waxaa gudaha magaalada Baydhabo ka socda shir kale oo la sheegay inuu dhanka Dawladda Soomaaliya uu taageero ka haysto isla markaana la doonayo in lagu dhiso Maamul Goboleed kale oo ka kooban sadex Gobol,kaasoo lid ku ah kan maanta la dhaariyay Madaxweynihiisa aan taageerada ka haysan Xukuumadda Muqdisho ee uu doonayo inuu federaalkeeda ka mid noqdo.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog.com