Madaxweyne Ma Waxa Aad Af-miishaarnimo u Taqaannaa?
Hargeysa:15-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa maalintii shalay qaab ay ka muuqato dulqaad-yaraan iyo masuuliyad-darro ka uga jawaabay eedihii loogu soo jeediyey maamul-xumadii lagu sameeyey dib-u-dhiska madaarka Haygeysa iyo Bixitaankii shirkadda Shidaal-baadhista ee Genel Energy.
Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasibaddii xadhiga lagaga jarayey Dugsiga Tababarka ciidanka ee Dererweyne kaga tiraabay Hadallo qoraal ahaa oo u muuqday qaar la soo cadho qoray oo aan laga fiirsan inay ka bixi doonaan af madaxweyne.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay cidda dhaliisha ugu soo jeedisay Bixitaanka shirkadda Genel iyo cudurdaarka Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian airline eek u aaddan tayada garoonka diyaaradaha Hargeysa Hadallo aflegaaddo ah oo aan loo miidaandeyin oo ka yimi dad afmiishaariin ah.
Hadalkan ayaa marka la dhuuxo laga dhex dhadhan sanayaa inay soo qortay cid aan dan lahayn sumcadda, karaamada iyo sharafta madaxweynaha iyo midda qaranka Somaliland ba, waxana la odhan karaa waa Hadal laga qurux badnaa inuu soo maro afka madaxweyne loo tilmaamay qayb maamulkiisa ka mid ah oo dayac iyo dheelli ku yimi.
.Haddaba mudane madaxweyne ma waxa aad af-miishaarnimo u taqaannaa ninkasta oo ka damqada Dadka masaakiinta ah ee maatada u badan ee toddobaadyada dhan meehanaabayey Suuqyada Hargeysa ee jaamacadahoodii, iskuulladoodii iyo shaqadoodiiba ka habsaamay ee ciriidda ku dawakhay ee aan jid iyo ceel midna loo saarin Cidda dhibkooda ka damqata ee kuu sheegta?
.Madaxweyne ma waxa aad Af-miishaarnimo iyo Aflegaaddo u taqaannaa cidda ku su’aasha meesha ay mareen lacagtii shanta milyan ee dollar ahayd ee wasiirkaaga duulistu ku magacaabay in la geliyey Garoonka Diyyaaradaha Hargeysa, ee aanay ilaa iyo maanta ka muuqanin lacagtii lagu sheegay iyo mid u dhawi toonna ee diyaaradihii loo qoondeeyey lafahooda uga caageen ee wali dayaciisu caalamka gaadhay, adigan taariikhda ma guurtada ah kuu gashay?
.Madaxweyne ma waxa aad Af-miishaanimo iyo Af-legaaddo u taqaannaa cidda kugula talisa inaad bulshada aad ka masuulka tahay u sheegto sababta ay shirkadii Genel Enegy dalka sahanka ka wadday u amba baxday ee kaa codsatay intaan qofkastaa meesha uu doonayo ula kicin madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirtee adigu u illimo bixi sababta keentay inay agabkoodii ka soo qaataan meelihii ay shaqada ka wadeen?
.Madaxweyne ma waxa aad Af-miishaarnimo iyo Af-legaaddo u taqaannaa cidda kugu tidhi dhaliilo badan baa jira’e aynu ka tashanno dhibaatooyinka dalka ka jira, maadaama dalkan aad maanta masuulka ka tahay la wada leeyahahy oo lexejecloo loo wada hayo.?
.Madaxweyne ma waxa aad Af-miishaarnimo iyo Af-legaaddo u taqaannaa cidda ku tidhaahda talo aanu ku toosinayno waxa kaa qaloocda ayaanu kuu haynaaye nala eeg?
.Madaxweyne ma waxad Af-miishaarnimo iyo Af-legaaddo u taqaannaa marka la sheego dhaliilahaaga iyo halka hoggaamintaadu dalabta ka leedahay, sida kaliya ee warabka maamulka gala lagu saari karaana uu yahay in cidda maanta maamulka dibadda ka joogtaa farta kuugu fiiqdo?
.Madaxweyne ma waxa aad Af-legaaddo iyo Af-miishaarnimo u taqaannaa cidda farta ku fiiqda ama kuu tilmaanta cid maamulkaaga ka tirsan oo adiga hadimadaada iyo shirqoolkaaga ku Fooggan adiguse aan hilmaansan tahay, sida kuwan maanta kuu soo qoray Hadalladan aan milgahaaga ku fiicnayn?
.Madaxweyne ma waxa aad Af-miishaarnimo iyo Af-legaaddo u taqaanaa cidda mucaaradka ah ee iyadoo shaqadeeda gudanaysa ku tidhaahda qaabkaas ayey wax ku qurux badan yihiine nala eeg?
.Madaxweyne ma waxa aad af-miishaarnimo iyo Af-legaaddo u taqaannaa cidda sheegta qaladka kuwa aad shaqada qaranka ku aamintay ee wax ka qalloocdaan?
.Madaxweyne inkastoo aan maanta tahay ruug-caddaa dalka magac iyo maamuus ku leh oo duruufo adag ka soo dabbaashay, ma waxa aad af-miishaarnimo iyo af-legaaddo u taqaannaa cidda ku tidhaahda taariikhdaadaa wanaagsan haku sarrifin mid madow?
.Madaxweyne marka aad maanta adigoo madaxweynihii qaranka ah qaabkaas ugu jawaabo mucaaradkaaga, maxaad filaysa inay adigana kuugu jawaabaan?
.Madaxweyne samee oo jidee sunne wanaagsan oo ka kaa dambeeya iyo kuwa kaa soo horjeedaaba ay maraan oo ka faa’iidaystaan.
Madaxweyne Muuji dulqaad iyo waayeelnimo, si adigana laguugu dulqaato marka aad qalad samayso.
.Madaxweyne Mucaaradkaaga maanta oo ah mid aan sidaad ahaan jirtey iyo qawlkaad ku kalaami jirtey mid ku kalaama, ugu jawaab hab iyo hannaan waayeelnimo iyo xeer-beegtinimo leh oo ay ka madhan tahay yooyootan iyo wax iska caabini.
.Madaxweyne xataa Haddii aad dhibsato Geeddi-socodka Mucaaradkaaga ugu jawaab qaab madaxweynenimo iyo geesinimo leh oo aan wax yeellayn qaranimadeenna, islamarkaana aan ka farxinayn cadawgeenna dibadda.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa\somaliland.
Contact@somalidiasporanews.com