|

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Aafada Qabyaaladda Iyo Saamaynta Hadallada Warbaahinta la mariyaa ku yeelanayaan Sumcadda Jamhuuriyadda

Hargaysa 26.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa ka hadlay dhibaatada ay Dalka iyo Dadka Reer Somaliland u soo jeedi karaan Hadallada Qabyaaladda ku saleysan ee Dadka qaarkood ka siidaayaan Warbaahinta, Gaar ahaan

Mujaahid-Cabdiraxmaan-Aw-Cali-FaaraxCabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka hadlayey Munaasibad lagu Daah-furay Buug laga qoray Taariikhda Alle ha u Naxariistii Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, ayaa sheegay in hadallada Warbaahinta laga siidaayo qaarkood aad ku Yakh-yakhsooneyso, maaddaama oo ay Salka ku hayaan Qabyaalad si qaawan Warbaahinta loo marinayo, sidaa daraadeed loo baahan in ka hor Intaan la baahin Hadallada noocaas ah la kala shaandheeyo.

 

Mujaahidka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dhallinyarada waxaan leeyahay waar Meel Suntada, Telefiishannada Qoladayada waaweyni aanu Qabyaaladda la soo fadhino ee aanu kaga faaneynno ina wadi meyso, markaa waxa loo baahan yahay inaad suntataan sidii Dadka iyo Dalkan loo Horumarin lahaa, sidii loo Walaaloobi lahaa, sidii Midnimadooda loo sii xoojin lahaa, sidii Ictiraaf loo heli lahaa.”

 

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa kale oo uu sheegay, “Sida aynu Imika nahay, marka aad Telefiishannada daawaneyso marmar baad Yakh-yakhsooneysaa, oo aad is odhaneysaa Waar Miyaanay Dadkani is-arkeynin. Xisbiyada, Waxgaradka iyo Telefiishannada waxaan leeyahay Waxa lagaga hadlayo Telefiishannada hala shaandheeyo. Reer Soomaalilaanoow inagga oo keliya isma daawaneyno ee Adduunka oo dhan baa inna daawanaya, waa la innagu qiimeynayaa (waxaynu kaga hadlo Telefiishannada)..”ayuu yidhi.

Comments are closed