Madaxweyne-ku-xigeenkii Hore Ee Dalka Ciraaq Oo Dil Loo Geystay
Baghdad:April,18,2015(SDN/QJ)-Xukuumaddan talada dalka ciraaq haysa, ayaa dishay madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Dawladdii Madaxweyen Saddama Xusen Cizzat Ibrahim Al-dauri.
Ninka la dilay ayaa muddo badan dhuumasho ku maqnaa, waxana la xaqiijiyey inuu ahaa Gacanta Midig ee madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Xusein.
Saraakiisha wadankaas ayaa sheegay in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gobalka Salaxuddin, ee waqooyiga Tikrid ee Ciraaq.
Taageerayaashiisa ayaa diiday in arrintaasi ay jirto, walow dhowr jeer oo hore loo sheegay in uu dhintay ay beenowday.
Al-Douri, ayaa 72-sano jir ahaa, waxa uuna hoggaaminayay koox la yidhaahdo Naqshbandi, oo ah koox xoog badan oo ka dambeysay kacdoonkii kooxda Daacish.
Waxa uu ku xigeen u ahaa Saddam Huseen, oo xukunka laga tuuray markii ciidamo Maraykan ay horkacayaan ay galeen Ciraaq, sanadkii 2003-dii.
Al-Douri, ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Baath, waxana ay nacayb badan u hayey Dawladaha Reer Galbeedka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com