|

Madaxweyne ku-xigeenkii Dalada Mucaridka Jabuuti oo xabsiga la dhigay

Jabuti Nov 23,2013(SDN)- Ciidamada amaanka ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa xabsiga dhigay madaxweyne ku-xigeenkii Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN Cumar Cilmi Kheyre.

Sida aanu ka helay xoogaga mucaaridka Jabuuti ee ku bahoobay dalada siyaasada ee Jamhuuriyada Jabuuti ee USN Md Cumar Cilmi Kheyre ayaa inoo cadeeyay in masuulkaa uu ku jiro gacanta ciidamada sirdoonka Jabuuti.

Madaxweyne ku-xigeenka USN ayaan ilaa iyo haatan aan wax maxkamada la soo taagin isla markaana aaney cadeyn sababta dhabta ah ee xadhigiisa ka danbeysa.

Xariga Mujaahid Cumar Cilmi Kheyre ayaa ku soo beegmay xili uu madaxweynaha dalka Jabuuti dhawaan safar uga soo noqday degaanka Dirir dhaba ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Mujaahid Cumar Cilmi Kheyre ayaa ka mid ahaa halgamayaashii u soo dagaalamay xoriyada dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Waxaanu mujaahidku mudo xabsiga ugu jiray gumeystihii Faransiiska ee Jabuuti mudada dheer gumeysanayay.

Xadhiga Mujaahid Cumar Cilmi Kheyre ayaa hadal heynta ugu badan aheyd magaalada Jabuuti iyo degaanada kale ee mucaaridka dalku ku xooga badan yihiin.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed