Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray waddooyin ay hirgelisay dawlada hoose Hargeysa
Hargeysa(DHH/qurbejoog)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray waddooyin ay dawlada Hoose ee Hargeysa ka hirgelisay degmooyinka caasimadda.
Waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha waddooyin cusub iyo buundo dib u habayn lagu samaynayo oo ku taalla degmada Gacan libaax.
Wadooyinka xadhiga laga jaray oo ay ka mid yihiin wadada 150-ka oo isku xidhaysa degmooyinka 26-ka June, Gacan-libaax iyo Ibraahim Koodbuur waxay noqonaysaa dhamaystirka wajigii labaad ee horumarinta wadooyinka caasimadda waxaana dhismahooda iska kaashaday dawlada Hoose iyo dadweynaha ku dhaqan xaafadahaasi.
Wadada labaad waxay ku taalaa xaafadda Sheekh Madar ee degmada Gacan Libaax waxaanay wadadaasi isku xidhaysaa xaafada Sh. Madar illaa daami, waxaana iyana iska kaashaday dawlada Hoose iyo shacbiga xaafadaasi.
Waxa kale oo xadhiga laga jaray waddo cusub oo laami ah oo laga hirgeliyay xaafada haaf London ee degmada Axmed Dhagax.
Waxa kale oo la dhagax la dhigay waddo cusub oo laami ah oo ku taala degmada Axmed dhagax isla markaana isku xidhaysa Geerashka Sugulle illaa dugsiga Cali Jaamac ee xaafada Siinay.
Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay furitaankii waddooyinkaasi ayaa sheegay in wadooyinkani ay ku yimaadeen dedaal ay la timid dawlada Hoose waxaanu tilmaamay in wadooyinka qaar ay dadweynaha ku dhaqan caasimadu ay gacan ka geysteen.
Waxa kale oo uu maayarku sheegay inay u qorsheysan yihiin inay casriyeeyaan jidadka iyo wadooyinka magaalada, waxaanu balan qaaday inay qorshaha ugu jiraan wadooyin cusub oo laga hirgelin doono shanta degmo ee Hargeysa.
Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu u mahad celiyay dadka dawlada Hoose kala shaqeeyay dhismaha wadooyinka xaafadahooda laga sameeyay.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay wadooyinkaasi ayaa ka waramay ahmiyada ay wadooyinku u leeyihiin caasimadda, waxaanu sheegay inay dawladda Hoose ku ammaanan tahay horumarinta waddooyinka oo uu tilmaamay inay awooda saareen hagaajintooda muddooyinkii u dambeeyay.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu shacbiga reer Hargeysa u soo jeediyay cashuuraha bixiyaan si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee caasimada.
Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay ilaashadaan wadooyinkaas cusub.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in shacbiga degmada Axmed Dhagax ay baahi weyn u qabeen wadooyinka laga hirgaliyay waxaanu dawlada Hoose uga mahad celiyay dedaalkeeda ku wajahan casriyaynta wadooyinka.
Waxa kale oo furitaanka iyo dhagax dhiga jidadka cusub goob joog ka ahaa Xoghayaha fulinta Dawlada hoose Hargeysa Mawliid Waris iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Casimadda.
madaxa warbahinta dawlada hoose hargaysa
xasan maxamed c/laahi