Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Labaad oo loo Sameeyay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka DAAWO
Hargeysa, 27 December, 2015-(SDN/QJ):-Madaxweyne ku xigeenka JSL Md cabdiraxmaan Saylici waxa uu Maanta xadhiga ka jaray dhisme labaad oo loo hirgeliyey wasaaradda qorshaynta Qaranka ee JSL.
Munaasibada Xadhig ka Jarka Dhismahan oo lagu qabtay Barxada hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Shoonbe,Madax ka Socotay Hay’ada Kaalmooyinka Dibada u qaabilsan Dawlada Maraykanka ee Magaceeda loo soo Gaabiyo USIAD oo dhismahan Maalgelisay,Madaxda Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Marti Sharaf kale.