|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub oo lagu magacaabo Deero Mol

Hargaysa 07.July (SDN)  Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha Cusub ee DEERO-MOL ee magaalada Hargaysa  kaasoo ay hirgelisay shirkadda ganacsiga ee INDHO-DEERO-Group.

Munaasabad lagu qabtay xarunta dhismahaasi oo ay sidoo kale ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda iyo Ganacsato waaweyn ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Shirkadda DEERO-GROUP Mustafe Xaaji Cabdi Cawed oo ka warbixiyey hirgelinta dhismahan balaadhan ee casriga ah oo uu ku sheegay in loogu talo galay inay ku hawlgalaan ilaa Kontomeeyo meheradood oo kala duwan, xiligana ay ka furan yihiin labaatameeyo meheradood.

Mudane Mustafe waxa uu sheegay in dhismahan oo ku yaalla badhtamaha caasimadda uu ka qayb qaadanayo horumarinta labo arimood oo muhiim ah sida hagaajinta muuqaalka bilicda magaalada iyo shaqo abuurka dhalinyarada, imkastoo aanay DEERO-GROUP ku koobnayn dhismahan oo keliya laakiin ay ka hawlgasho guud ahaan Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo munaasabadaa hadal kooban ka jeediyey ayaa ku sifeeyey shirkadda DEERO-GROUP mid ku hawlan kaalinteedii horumarineed isla markaana dhismahan balaadhan uu kor u qaadi doono bilicda caasimadda iyo guud ahaan ka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu u hambalyeeyey shirkadda DEERO iyo guud ahaan ganacsatada Somaliland sida ay ugu dadaalayaan ka qayb qaadashada shaqo abuurka iyo maslaxadda waddanka.

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin, Wasiirka Arimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Hawlaha guud Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wershadaha Md Abiib Diiriye Nuur, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Md Bashiir Cabdi Xariir, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Md Maxamed Shukri Jaamac, Ganacsato kala duwan iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob jog ka ahaa munaasabadda xadhiga lagaga jarayey dhismaha balaadhan ee casriga ah ee ay Shirkadda DEERO-GROUP ka dhistay badhtamaha caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed