Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xaalad Caafimaad Loogu Qaaday Dalka Dibadiisa
Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo mudooyinkii u danbeeyay gurigiisa u jiifay jabniin ka soo gaadhay Misigta Midig ayaa dalka dibadiisa loo qaaday.
Waxaana Madaxweyne xigeenka loo qaaday magaalada Dubai ee xarunta isutaga Imaaradka Carabta, Madaxweyne xigeenka ayaan ilaa hada xaalada caafimaad ee jabniinkani aheyn mid ka soo rayneysa.
Wixii Warara ee danbe ka soo cusboonada waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.