Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo soo gebagebeeyay shir Haweenka Africa Hargeysa uga socday
Hargeysa Feb 13,2012(qurbejoog.com)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “C.raxmaan Ciro” ayaa maanta soo gabo gabeeyay Shir-madaxeedka Hoggaamiyeyaasha haweenka Afrika ee G-40, kaasi oo muddo afar maalmood ah uga socday huteelka Ambassador ee Caasimada Hargaysa.
Waxaa kale oo kulankaasi ka qayb galay Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Macdanta iyo Biyaha ,Qorshaynta Qaranka Diinta iyo Awqaafta,Mas’uuliyiin iyo Madax kala duwan.
shir madaxeedkan oo ay ka qayb qaadanayeen afartan xubnood oo haweena isla markaana ka kala yimid dalalka Ugandha, Koonfurta Sudan,Itoobiya, Ereteriya,Jabuuti,Somalia iyo Somaliland ayaa mudadii uu socday waxay ku lafo gurayeen sidii loo heli lahaa fikrado midho dhal ah oo wax ka tara sidii ay haweenku saami fiican uga heli lahaayeen ka qayb qaadashada hogaaminta dalalkooda.
Madaxweyne ku xigeenka somalilnad c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici oo ka hadlay halkaais ayaa waxaa uu mahadnaq usoo jeediyey dadka iyagu shirka soo qaban qaabiyey, isagoo sheegay inay haween weynaha Somaliland iyo guud ahaan haweenka dunida ay door ballaadhan oo aan la dafiri Karin ka qaateen horumarinta iyo nabadaynta, waxaa kale oo uu intaasi ku daray madaxweyne ku xigeenku in Somaliland ay tahay waddan muddo 20 sanno ka badan nabdoon oo horumar ballaadhan ku talaabsaday, isagoo gacan muuqata aan ka helin dunnida inteeda kale.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay sharaf u tahay in ay marti geliso shir caalami ah oo looga tashanayo arrimaha qaaradda Africa, Guddoomiyahu wuxuu isbarbar dhigna ku sameeyey maqaamka ay kala taagan yihiin Somaliland iyo Somalia, waxaanu xusay inay Somaliland ku guulaysatay inay midayso ummaddeeda, hirgalisayna doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaanu rajo wanaagsan oo ku saabsan qaddiyadda Somaliland ka rajeeyey shirka dhawaan ka qabsoomi doono magaalada London.
Wasiirada wasaaradaha diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil c/laahi axmed iyo qorshayta qaranka Md Sacad cali shire oo iyaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka mahanceliyey qaban qaabada shirka, waxaanay tilmaameen kobcinta iyo kor u qaadka maqaamka Somaliland gaadhay mudadii ay jirtay iyo in dumarku ay udub dhexaad u ahaayeen guulaha aynu ku talaabsanay
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Ilhaan maxamed jaamac ayaa iyaduna ka warantay doorka xurmada leh ee ay haween ahaan ku dhex leeyihiin bulshada .
Masuuliyiin ka socday ururada qaramada midoobay, IGAD iyo ra’iisal wasaarihii hore ee Norway oo iyagu halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida ay hay’adahoodu uga qayb qaataan horumarinta bulshada geeska afrika iyo guud ahaan dalalka afrikaaanka ah, iyagoo xusay inay dawlada Somaliland horumarka ay gaadhay uu yahay mid mudan in dunida loo bandhigo, waxaa shirkan oo ay soo qaban qaabisay daladda nagaad madaxda lagu waydiiyey su’aalo ku saabsan Somaliland iyo qaddiyadeeda.
Qurbejoog Hargeysa