Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo soo dhaweeyay mashruuc biyo gelin ah oo dalka laga hirgelinayo
Hargeysa Mar o6,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa maanta soo dhaweeyay Mashruuc ku wajahan Balaadhinta Biyaha Magaalooyinka Waaweyn ee dalka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasibad lagu Qabtay Galabta Huteelka Mansoor,oo lagaga dhawaaqayay Mashruuca Balaadhinta Biyaha Magaalooyinka Hargeisa,Burco,Ceeri gaabo,iyo Wajaale oo ay Maalgalinayaan Midowga Yurub isla markaana ay ku bixi doonto Aduun dhan Sideed iyo labaatan Milyan oo Dolar.
Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland waxaa uu ku dheeraaday baahida dhinaca biyaha ka haysata Caasimada Hargiesa oo uu sheegay inay tahay Ta ugu dadka badan Magaalooyinka Somaliland. Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaa uu u soo jeediyay bulshada sidii ay kaalintooda ugu qaadan lahayaan Hirgalinta daryeelkaasi dhinaca biyaha ah,isagoo u mahadceliyay Midowga Yurub oo kaalmadan Muhiimka ah ku taageeray Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay mashruucan ay ku baxayso dhaqaalaha badani uu ka turjumayo sida Somaliland uga gudubtay xiligii heerka gar-gaarka bini’aadminimo una gudubtay heerka horumarinta.
Sidoo kale wasiirka wasaar ada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Somaliland Md.Xuseen Cabdi Ducaale oo hadal ka jeediyay Munaasibada laga dhawaaqayay mashruucan ayaa sheegay inuu yahay kii ugu weynaa ee Soo mara somaliland isla markaana uu ku kacaya Sideed labaatan Milyan oo dolarka Maraykanka ah,kaaso oo boqolkiiba sideetan ay ku baxayso Caasimada Hargiesa.wasiirku waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Baahida dhinaca Biyaha ee dalka jirta iyo sida ay Daruuri u tahay in laga wada qayb qaato Hirgalinta Mashruucan
Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadashay Xidhiidhiyaha Koonfurta iyo bariga afrika u qaabilsan Midowga Yurub Mrs. Isbel Faria De Almeida, waxaanay ka warantay marxaladihii uu soo maray mashruucaasi.
Mrs. Isbel Faria De Almeida waxay xustay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa,Burco, Ceerigaabo iyo Wajaale.
Waxaa kale oo ay xustay in Mashruucani uu door wax ku ool ah ka qaadan doono sidii ay Biyo Nadiifa u heli lahaayeen Magaalooyinka Hargeisa,Burco,Ceeri-gaabo iyo Wajaale,iyadoo xusay in dhawaan la bilaabi doono hirgalinta Mashruucan .
Waxa kale oo ay sheegay in midowg Yurub uu sii wadayo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan ee uu la yeehay Somaliland,waxaanay carabka ku dhufatay in Midowga Yurub uu gacan ka geysato horumarinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, haweenaydani waxay intaas ku dartay in Socdaalka ay iyada iyo Weftiganiba ku yimaadeen Somaliland uu salka ku hayay ku dhawaaqista Mashruucan.
waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimada iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee caasimada oo dhamaantoodba soo dhaweeyay Hirgalinta Mashruucan, oo kaalin mug leh ka qaadan doona sidii caasimada hargaysa oo ay ku nool yihiin dad hal malyan ku dhowi inay biyo nadiif ah helaan .
SDN-Hargeysa