Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay 10 Arday oo Digriigii labaad ka qaatay Jaamacada Hope
Hargaysa 24.March (SDN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuriyada Somaliland M Mud,C/raxmaan C/llahi Ismaaciil Saylici ,ahna Ku simaha Madaxweynaha JSLand ayaa maanta Shahaadooyin Gudoonsiiyey Toban arday oo ka qalin jebiyey Degriiga labaad Jaamacadda Hope ee magaalada Hargeysa.
Xaflada ardayda lagu Gudoonsiinayey shahaadooyinka oo lagu qabtay huteel Maan-soor ee magaalada Hargaysa,ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha,Agaasimaha Guud ee Tac-liinta sare ee wasaarada wax-barashada, madaxda Jaamacada Hope ,xildhibaano masuuliyiin iyo marti sharaf kale, Madaxweyne ku-xigeenka oohalkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharax ka bixiyey faa’iidada wax-barashadu leedahay,waxaanuu halkaasi dardaaran dhinaca wax-barashada ku saabsan uga soo jeediyey ardayda Jaamacada ka qalin jebiyey iyo maamulka Jaamacadda.
Madaxweyne ku xigeenka ka hor Gudoomiyaha Jamacadda Hope Nagiib sh.C/raxmaan,oo halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay sooyaalkii ay jaamacadu soo martay, waxaanuu xusay in ardayda maanta shahaadooyinka la siinayaa ay yihiin duf-cadii labaad ee jaamacada ka qalin jebiya ee dhamaysta degree-ga labaad ee jaamacada,jaamacada oo ay iska kaashadeen Jaamacada Kambala University ee Wadanka Yugaandha. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha md. Cabdi siciid Reygal, waxaanuu bogaadiyey ardayda jaamacada ka qalin jebiyey iyo maamulka iyo macalimiinta jaamacada ee dedaalka weyn u galay sidii ay u soo saari lahaayeen arday aqoon fiican leh. Agaasimaha Guud ee Taclinta sare md. khadar Axmed Diiriye oo isna halkaa kahadlay ayaa ka waramay dedaalka dhinaca wax-barashada laga galay ee dalka, waxaanuu ku lmaamay in ay maanta u fududaatay ardayda inay dalkooda gudihiisa ku qaatay shahaadada dwegree-ga labaad ee Jaamacadda.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com