Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Shacabka uga digay firxadka Kooxda Al-shabaab
Hargeysa, 28, February 2012 (SDN)- Madaxwene ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka digtoonaadaan kooxda argagixisadda ah ee Al-shabaab ee lagaga adkaaday dagaaladda ka socda dalka Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay in firxadkoodu soo gaadhi karo xaduuda Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenku oo maanta xadhiga ka jaray furitaankii tartan maharajaan ah oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo ay soo qaban-qaabisay Shirkadda KMC (Kow Media Co-operation).
“Waxaan maanta ummada reer Somaliland u sheegayaa in nadbadii aynu ku soo naaloonayey mudada 21-ka sanadood ah cadow faro-badan ayey leedahay hadana duulimaad fara badan ayaa ku socda, sidaad la socotaan nimankii argigixasada ahaa ee Al-shabaab culays badan baa koonfur kaga yimid firxad badan baana jira.Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxaanan xasuusinayaa in cid kasta oo reer Somaliland ahi ay arrintaasi ka feejignaato, markii horeba nabada Somaliland marka laga yimaado Illaahay iyo xukuumaddaba waxa ammaanka hayey shacabka oo feerjignaa.”
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu baaq u diray xaafadaha iyo ardayda Somaliland. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay inay farxad u tahay inuu ka qaybgalo maharajaankii ugu horeeyey ee Somalilamd lagu qabto.
Maamulaha guud ee Shirkadda KMC Cabdilaahi Axmed Cabdilaahi ayaa isaguna sheegay in Bandhigan oo socon doona ilaa bilowga bisha march uu ka koobnaan doono tartamo kala duwan oo dhinacyada sawir gacmeedyada, sawirada camera-ada, Video-ga, filimada iyo Decomuntery-ga, waxaana ka qayb qaadan doona dad faro badan oo ka kala yimi daafaha caalamka sida UK, USA, UAE, Malaysia iyo meelo kale oo Somaliland ka mid tahay.
inta uu maharajaanku socdo waxa socon doona waxyaabaha kale ee lagu lagu tartamayo sida gabayada, ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka,
Furitaankii mahrajaankaas waxa kale oo ka qaybgalay Wasiirka kalluumaysiga, Wasiir ku-xigeenka hawlaha guud, Agaasimaha guud ee warfaafinta iyo maareeyaha hay’adda waddooyinka.
SDN, Hargeisa Somaliland