Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Kulan Casho Sharaf ah la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Washington
Washington 29.March 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo uu wehelinaayo wasiiru-dawlaha wasaarada Waxbarashada Somaliland Mudane Axmed Nuur Faahiye ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Washington Dc.
kulankan oo ahaa mid soo dhawayn iyo is xog waraysi ay ku kala qaateen madaxweyne ku xigeenka iyo jaaliyadu ayaa ahaa mid ku bilowday jawi farxadeed oo ay jaaliyadu xog muhiima oo la xidhiidha xaalada dalka uu halkaasi ku siiyey madaxweyne ku xigeenku bulshadii halkaasi isugu timid.
Waxaanu madaxweyne ku xigeenku ugu horaynba faahfaahin dheer ka bixiyey ujeedada safarkiisa iyo xaalada dalku marayo wakhtigan iyo ta geeska afrikaba, waxaanu madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay jaaliyada reer Washington inay xooga saaraan sidii ay dalka wax ugu soo kordhin lahaayeen ugana shaqayn lahaayeen sida muwaadiniin badaniba ay dedaal ugu jiraan in dalku uu noqdo mid ka tirsan dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay xil gaarana ay iska saaraan, kana war hayaan hawlaha dalka ka socda ee dib u dhiska wadooyinka iyo dalkaba oo uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in lagu kala dheereeyey reer washington-na looga fadhiyo sidii ay dhinacooda uga tiirin lahaayeen dedaalkaa.
waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay wasiiru-dawlaha waxbarashada oo jaaliyada u soo jeediyey in ay noqdaan kuwo meel ay joogaanba dalka u jooga oo ku dedaala inay kaalin muuqata ka qaataan.
ugu danbayna waxa halkaasi ka hadlay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Amb. Rashiid Gaaruf oo mahadnaq balaadhan halkaasi uga soo jeediyey jaaliyada ku dhaqan Washington sida sharafta iyo milkaha leh ee ay uga soo wada qaybqaateen isuguna xilqaameen inay madaxweyne ku xigeenka soo dhaweeyaan una sameeyan kulankan casho sharafta ah ee qiimaha gaarka ah leh madaama ay noqotay jaaliyadii u horaysay ee madaxweyne ku xigeenka qaabisha una casho samaysa.