|

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Hargaysa Ku Soo Laabtay, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Dhamaan Hogaanka Kulmiye oo Ka Maquurtay & Labo Kaclaynta Khilaafka Saylici iyo Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 09. October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Mudooyinkii u Danbeeyay Socdaal Caafimaad ugu Maqnaa Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa Dib ugu Soo Laabtay Caasimada dalka ee Hargaysa.
Saylici oo Dhaawac ah oo Soo LaabtayMd. Cabdiraxmaan Saylici oo dhaawac ka soo gaadhay Misigta lugtiisa bidix kadib markii uu ku simbiririxooday gurigiisa horraantii bishii dhammaatay November, waxaanna markaas kadib loo qaaday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo cusbitaal ku yaal lagu soo daweeyey.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.
Arrintan ayaa Markhaati u ah Khilaaf Mudaba soo Taxnaa oo u Dhexeeya Murashax Muuse Biixi iyo Ku Xigeenkiisa Saylici.

Comments are closed