|

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Gudogalay Dejinta Xaraaradda Reer Awdal Iyo Kulamadii Ugu Horraysay Oo Halkaas Ka Bilaabay

Hargeysa:Dec,19,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici) oo haatan ku sugan Magaalada Borama, ayaa Gudo galay daminta iyo dejinta xaaladda ka taagan Gobolka Awdal oo beryahan uu dhexqaadayey Suldaan Fallaagoobay oo ku kacay Arrimo ka dhan ah somalilandnimada iyo qaranimada.

sayliicMudane Saylici oo shalay Halkaas gaadhay, ayaa galabnimadiiba kulamo gaar ah aqalkiisa kula qaatay Ganacsatada iyo Dadka Maalqabeenada ah ee Gobolkaas u dhashay, waxana kulankaas lagu gorfeeyey sidii muhiimadda loo siin lahaa nabadgellyada iyo degenaanshaha dalka, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay ka shaqeeyaan wada jirka iyo horumarinta Bulshada Reer Awdal oo Nabadda waxyaabo badan uga faa’iidaysatay.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ka Ballan qaaday Ganacsatadii uu la kulmay inuu soo afjari doono cabashada reer Awdal, isla-markaana uu ku talo jiro inuu reer Awdal si deggen uga xog waraysto meelaha ugu waaweyn ee ay caddaalad darrada ka sheeganayaan si dib loogu soo celiyo kalsoonida shacabka reer Awdal.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sidoo kale ku ballan qaaday inuu Maalmaha soo socda Kulamo sidan oo kale ah la qaadan doono Salaadiinta, waxgaradka iyo Hormoodka Bulshada Reer Awdal, waxana lagu lafo guri doonaa xallinta xaaladda taagan oo Xukuumaddu si weyn ugu hawllan tahay.

Mudane Saylici ayey xukuumaddu u igmatay inuu dhulka dhigo oo soo dejiyo, isla-markaana xal waara ka keeno arrimaha kasoo cusboonaaday Gobolka Awdal oo muddooyinkii ugu dambeeyey mid ay kala carraabeen Xukuumadda Madaxweyne           Siilaanyo.

Lama garan karo natiijada uu Madaxweyne-ku-xigeenku ka keeni karo Arrinta Reer Borama, waxana xusid mudan in isaga ka hor ay Wasiirro, salaadiin iyo waxgarad arrintan ka Hawlgalay faro madhnaan kaga soo laabteen inay Suldaanka Fallaagoobay oo u muuqda mid dhaawacay Qaddiyada iyo qarannimada muddada la Hadhsanayey.

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed