|

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furay Mashruuc lagu fidinayo biyaha Caasimada

Hargaysa 19.Nov 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md. C/raxmaan C/llaahi ismaaciilSaylici ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashruuc Balaadhan oo biyaha lagu gaadhsiinayo degaanada isha cobosha iyo sheekh cumar ee magaalada Hargaysa.

Saylici SaxMunaasabad balaadhan oo loosameeyay  furitaanka mashruucan ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiradasaaradaha Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle , wasiirka wasaarada qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, masuuliyiin ka socotay hayadaha qaramada midoobay iyoH ayadaha caalamiga ah  ayaa warbixin dheer oo uu halkaaska jeediyay maareeyaha wakaalada biyaha ee caasimada Hargaysa  ibraahim siyaad yoonis ayaa waxa uu ka waramay dadaalka ay wakaaladu ugu jirto  sidii caasimadu u heli lahayd biyo ku filan iyada oo mashruucani yahay kii ugu horeeyay ee  qaybo kamid ah caasimadu  ay Biyo kaga helaan Dooxa Xaraf.

Waxakale oo uu sheegay maareeyuhu in wakaaladu dadaal ugu jirto  sidii bulshada ku dhaqan caasimadu u heli lahaayeen biyo ku filan.

Wasiirka wasaarada biyaha Md. Xuseen Axmed Cabdulle ayaa isna munaasabadaas kaga hadlaydadaalka xukuumadu sidii degaanada miyiga iyo magaalooyinka ee dalku u heli lahaayeen Biyo ku filan , wasiirku waxa uu ku amaanay wakaalda biyaha ee Caasimada iyo maamulkeeda  dadaalkooda ku wajahan horumarinta adeega wakaalada biyaha.

Madaxweyne ku xigeenka JSL. Md. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil oo iasagu xadhiga ka jaray mashruucan ayaa ka waramay mudadii saddexda sanadood ahayd ee xukuumadani talada haysay hawlaha horumarineed ee ay dalaka ka hirgalisay, waxaana madaxweyne xigeenku sheegay in Biyuhu  yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumadu ku taamayso  sidii bulshadu u wada heli lahaayeen biyo ku filan.

Madaxweyne xigeenku waxa uu wakaalada biyaha ku bogaadiyay dadaalka horumarinta biyaha caasimada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed