|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Dufcadii labaad ee Ciidamada RRU Tababar u soo Xidhay

Hargaysa 13.March (SDN) M/weyne kuxigeenka Somaliland, ahna kusimaha M/weynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tababar u soo xidhay dacfaddii labaad ee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU.

Munaasabada lagu maamuusayey soo af-meeridda tababarka ciidanka gaarka ah ee RRU-yada ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), wasiiru-dawlaha maaliyadda Cismaan Saxardiid Caddaani, taliyaha ciidanka bilayska sarreeyo-guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo hoggaanno kale duwan oo ciidanka bilayska ah.

Taliyaha ciidanka bilayska Somaliland sarreeyo-guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo munaasabadda hadalka ka jeediyey ayaa sheegay in dufcaddaani tahay middii labaad oo ah ciidamada RRU oo ka qali-jabisa dugsiga tababarka bilayska ee Mandheera, taasoo lagu magacaabo Onkod, kana kooban 100 askari oo si heer sare ah loo laylyey.

Taliyuhu waxaa uus sheegay ciidankaan in loogu talogalay ka hor-tagidda falalka deg-degga ah sida argagixiyada iyo wixii kale ee la mid ah, ayna ahaan doonaan badbaadiyaasha qaranka Somaliland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo isla xafladdaasi ka hadlay ayaa tilmaamay baahida ugu weyn ee tababarka ciidankaan RRU keentay in ay tahay kaddib markii ay gobolka ku soo bateen falal liddi ku ah amniga, loona garawsaday in ciidanka noocaan ahi maaraynkaraan, waxaana uu ciidanka laftigooda u soo jeediyey in ay dhisaan akhalaaqdooda, ayna dheeraadaan wixii wax u dhimi kara wax tarkooda.

Ugu dambayntii munaasabaddaasi waxaa soo gunaanaday M/weyne ku-xigeenka, ahna ku-simaha M/weynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana uu hambalyo iyo bogaadin  u soo jeediyey ciidamada RRU-yada, tababarayaashooda iyo dawladda Ingiriiska .

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed