Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markuu soo dhamaystay Socdaal Caafimaad
Hargaysa 23.Sep 2013 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka J.S.Land Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Isamaaciil [Saylici] ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii uu soo dhamaysatay socdaal caafimaad oo uu ku tagay dalka imaaraadka carabta gaar ahaan mandaqada dubai.
Madaxweyne ku xigeenka jsl mudane cabdiraxamaan cabbdilaahi isamaaciil (saylici) oo ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee cigaal international airport waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dalka iyo dadweyne aad u tiro badan .
Madaxweyne ku xigeenka jsl mudane saylici oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa siweyn uga mahad celiyay soo dhawayanta balaadhan ee lagu soo dhaweeyay dalkiisa hooyo, waxa kale u mahad celiyay madaxweyne xigeenku jaaliyadda saomaliland ee degan dalka imaaraadka carabta oo uu tilmaamay In ay si weyn ay usoo dhaweeyeen mudadii uu halkaasi joogay.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa gabagabdii halkaasi kaga jawaabay su aalo warabaahintu ay weydiisay oo la xidhiidha scodaalkiisa caafimaad , waxaana uu sheegay in uu caafimaadkiisu aad u wanaagsanyay.
Geesta kale diyaaradda africaan airways oo oo ahayd diyaarada madaxweyne ku xigeenku la socday ayaa kabtankii waday oo warbaahinta kula hadlay garoonka cigaal international air port waxa uu sheegay in garoonku yahay mid buuxiyay shuruudihii garoon ahaan looga baahnaa madaarada caalamiga ah isla markaana uu ku amaanayo Somaliland sida haboon ee ay u horumariyeen dhismaha garoonka gabi ahaantii.
Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada duulista iyo hawada md maxamuud xaashi cabdi oo sheegay in sidaa uu ka marag kacay kabtanka diyaarada African air ways in garoonka cigaal international uu yahay mid ku haboon in diyaarad kastaa ay soo fadhiisan karto kana haadi karto .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com