Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Carwada Shaqo Abuurka Dhalinyarada DAAWO
Hargaysa 15.June 2015 (SDN/QJ)Wasaarada shaqadda iyo Arrimaha bulshadda ayaa maanta soo Qaban-qaabisay carwo nooceeddu ku cusub yahay oo ku kulmayaan shaqo doonka iyo loo shaqeeyaha.
Carwadan waxa ka soo qaybgallay madaxweyne kux igeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiirka madaxtooyadda iyo ganacsatadda waaweyn iyo kuwo yaryar.
Carwadan oo maanta ka furantay hoteel Maansoor ayaa socon doonta laba cisho, waxaana la doonayaa inay fursad u helaan shaqo doonka iyo loo shaqeeyaha sidii ay iskugu iman lahaayeen,isla markaana labadda dhinacba ka faa’iidaystaan, waxaanay carwadani u badan tahay dhalinyaradda farsamo yaqaanka ah sidii ay usoo bandhigi lahaayeen aqoontoodda xaga farsamadda ah.
Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland, ayaa sheegay inay ahmiyad weyn u tahay in shaqaalaha shaqo doonka ahi iyo kuwo in loo shaqeyo rabaa u wadda xidhiidhi lahaayeen.