Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo Kaadhkiisa Codaynta Doorashada ka qaatay Magaaladda Boorama & Gudoonka Komiishanka oo Ka Hadlay Gunaanadka Wejigii Kowaad ee Qaybinta Kaadhadhka DAAWO
Boorama 05. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici Iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Ayaa Kormeer Ku Tagay Magaaladda Boorama Kasoo Ujeedadiisu Ay Ahayd Dad Dar Gelinta Hawsha Qaadashada Kaadhadhka Cod Bixiyaha, Waxaanu Madaxweyne Ku Xigeenku Kaadhkiisa Ka Qaatay Xarun Ku Taala Magaalada Boorama.
Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil Saylici Ayaa Ka Codsaday Shacabka Gobolka Awdal Inay Qaataan Kaadhadhka Codbixiyaha Maalmaha Dheeriga Ah Ee Bilaabmay.
Dhinaca Kale Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md Cabdiqadir Iimaan Warsame Ayaa Dhankiisa Sheegay Inay Soo Xaroodeen Goobihii Lagu Qaadanyay Kaadhadhka Cod Bixiyaha Eek A Baxsan Degmada Boorama Waxaanu Intaa Ku Daray In Hada Kadib Kaadhadhka Laga Qaadan Doono Goobo Cayiman Oo Ku Yaala Magaalada Boorama, Isagoo Intaa Ku Diray In Si Nabad Gelyo Ah Ugu Soo Dhamaatay Wajigii Koobaad Ee Hawgalka Qaadasha Kaadhka Codbixiyaha.