Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici Oo Dhaawac Soo Gaadhay Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Gurigiisa Ku Bookhday SAWIRO
Hargaysa 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Md. Axmed Cali Axmed, ayaa gurigiisa ku bookhday Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix ama lugta bidix ka dib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa.
Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.
Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.