Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Si Mug leh loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo DAAWO
Ceerigaabo 14.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C,raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa si Diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo,Halkaas oo ay u tageen Sidii ay Bulshada Gobolkaasi ugu baraarujin lahaayeen Qaadashada Kaadhka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.
Waxaa Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Weftigiisa lagaga hor tagay Duleedka Magaalada Ceerigaabo iyadoo lagu qaabilay dareen waddaniyadeed.
Madaxweyne Ku Xigeenka J.S.L Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa u Mahadnaqay Bulshada Magaalada Ceerigaabo Waxaanu Sheegay inay Gobolka Sanaag u Yimaadeen Sidii ay ugu Baraarujin lahaayeen Qaadashada Kaadhka Codbixinta oo la filayo inuu Guud ahaan Gobolkaasi ka bilaabanto 16 Bishan July .