Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo tiro wasiiro ah oo ka qeybgalay munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebisay Jaamacada HOP
Hargeysa Mar 14,2012(SDN)-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” oo ay weheliyaan Wasiirada Ganacsiga,Hawlaha Guud, iyo madax kale ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebisay Jaamacada Hop University ee Magaalada Hargaysa.
Waxaa Munaasibadan oo si weyn loo soo Agaasimay ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ,Agaasimaha baratakoolka madaxtooyada , Lataliyaha madaxweynaha ee arimaha dhalinyarada , maareyaha hayada wadooyinka Somaliland ee SRRA , maamulka jaamacada , Ardayda ka qalinjabisay iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan .
Ugu horayn waxa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Hope Prof Najiib Sh.C.kariin waxaanu faahfaahiyay taariikhda Jaamacadan iyo marxaladihii ay soo martay waxaa kale oo Gudoomiyuhu ka waramay sida ay ugu suuro gashay isku xidhka labadan Jaamacadood ee Hope Kanbaala .
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo madashaasi ka hadlay ayaa hanbalyo u diray waalidiinta ku tacabtay ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Hope ee qaadatay shahadada mastar degree .
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil waxa uu tilmaamay in ay tahay wax lagu faani karo tacliinta Somaliland halka ay maanta marayso , isagoo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ay waxbarashada Somaliland soo martay tan iyo wakhtigii ay madax banaanideeda ka la soo noqotay wadankii laysku odhan jiray soomaliya , 18 May 1991.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil mar uu ka hadlayey siyaasada dawlada ee dhinaca waxbarashada waxa uu sheegay inay ka go’aantahay sidii waxbarashada Somaliland ay u noqon lahayd mid la jaanqaada ta wadamada horumaray .
Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo washadaha Somaliland Md. C/risaaq Khaliif Axmed oo isna munaasibadaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa ardayda ku hanbalyeeyey dadaalka ay sameeyeen ,
Gaasimaha guud eeTacliinta Sare ee wasaaradda waxbarashada Khadar Axmed Diiriye oo ka mid ahaa masuuliyiinta madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay baadhitaano ay ugu kuurgalayeen tayada jaamacadaha dalka isla markaana ay ka soo baxday ayuu yidhi in maqaamka jaamacadaheenu ay yihiin kuwa dariiqii wanaagsanaa raacay.
Agaasimaha guud ee taclinta sare waxa uu shaaciyey in ay gacanta ku hayaan siyaasadii lagu hagi lahaa taclinta sarre ee Somaliland , waxaanu hanbalyo u diray maamulka jaamacada Hope oo uu sheegay in ay wado shaqayn ka dhexayso jaamacada .
SDN-Hargeysa