|

Madaxweyne Ku Xigeenka Punt land oo ka Gaws Qabsaday shaqada hantidhowrka Puntland,Somaliland ku Xidhiidhiyay Wada Shaqaynta Axmed C.Godane

Garowe 27.March 2014 (SDN)- Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng,Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo maanta 26.March.2014 socdaal ku tagay qaar ka mid ah wasaradaha dowladda ayaa sheegay inuu soo arkay qaar shaqaynaya iyo kuwo laga maqan yahay.

CamayCamey ayaa sheegay inay jirto habacsanaan ka jirta qaar ka mid ah wasaradaha dowladda wuxuna sheegay in looga baahan yahay inay wax ka badalaan oo ay la yimaadaan shaqo dadku ay ku wada qanacsan yihiin wuxuna tilmaamay inay ka go’an tahay isbadal dhab ah.

”Wasaradaha kale ee aan soo maray run ahaantii kuwo caadiya iyo kuwo aan caadi ahayn meesha wan kusoo arkay waxya ila tahay isla xisaabtanku maanta ayuu kow yahay waxan dareemayaa in wasarado badan ay habacsanaan ka jiraan waxan qabaa habka inay wax ka badalaan habka ay u shaqaynayaan”.

Meelaha kale uu tagay waxaa ka mid ah hantidhowrka wuxuna ku tilmaamay inuu saluugsan yahay qaabka ay u shaqaynayaan taasna aysan ahayn mid loo baahan yahay ee shaqo wanaagsan la doonayo.

”Hantidhowrku waa fiicnaa shaqaalo ahaan marka loo eego laakiin wali shaqadoodii waxaad moodaa inaan saluugsan nahay iyga hortooda wan ka iri imikana dadwaynaha reer Puntland hortooda ayaan ka oranayaa kuwo lagu aaminay hantida dowlada inay soo celiyaan waa iyaga,waxan ka codsanaaa hantida dadka waa in la ilaaliyaa gawaari laal maqan yahay baa jirta” Cabay ayaa hadalkaan yiri xili uu wasaradaha qaar booqanayay.

Dhinaca kale madaxwayne ku xigeenku waxa uu mamulka  Somalilnad ku eedeeyay inay garab iyo gaashaan-ba siiyaan dagaal yahano ka tirsan ururka Alshabab sida Dagaal ooga Axmed Godane oo uu sheegay in gaadiid looga galbiyo magalada Hargaysa.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay inay si toos ah ula shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago khataraha ka imaan kara kooxda Alshabab oo lagu jabiyay dagaalada ka socda koonfurta & bartamaha Somalia.

Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed