|

Madaxweyne ku xigeenka oo sifo is xanbaar ah kaamboolka warfaafinta ku soo geliyay Maareeyihii Musuq Maasuqa ku eedaysnaa iyo dacwada Shaqaalaha

Hargaysa 07.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne kuxigeenka somaliland cabdiraxmaan saylici ayaa saaka subaxnimadii ku kalahay wasaaradda warfaafinta iyo telefishanka Qaranka si uu ugu kuur galo khilaafka maamul ee u dhaxeeya wasiir Cukuse iyo maareeye Khadar cali gaas, kuwaasoo ay la kala safteen Shaqaalaha wasaaradaasi.

Saylici SaxMadaxweyne kuxigeenka somaliland ayaa kulan la yeeshay madax waaxeedyadda wasaaradaasi waxaanu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha khilaafaadka ka taagan wasaaradda iyo telefishanka, waxaanay u bandhigeen dhibaatooyinka jira.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha wasaaradda ayaa sheegay in uu madaxweyne ku xigeenku u sheegay laba cisho gudahood in madaxtooyadu go,aan Ka qaadan doonto, maadaama sida uu ku af gobasdsaday Madaxweynuhu safar u baxayo maanta.

hase yeeshee, warar xogogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Ku xigeenku geeyey Maareeyaha telefishanka xafiiskiisa isla markaana amray Shaqaalaha telefishanku inay la shsqeeyaan.

Talaabadan ayaa Weli u Muuqata in Madaxtooyada Somaliland ay Garan kari la’dahay qaabka ay u Maarayso Xal u helida is maandhaafka u dhexeeyay Wasiirka Warfaafinta iyo Maareeyaha Telefishanka oo haatan isu bedeshay Mid u dhaxaysa Shaqaalaha iyo Maareeyaha Musuq Maasuqa lagu eedeeyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed