Madaxweyne Ku-Xigeenka oo goobjoog ku ahaa bilawga qodid ceel biyoodyo laga hirgelinayo Xunbo-weyne
Hargeysa Mar07,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil (Seylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray wejigii koowaad ee labo iyo Toban Ceel biyood oo laga hirgeliyey deegaanka Xunbo-weyne ee Gobolka Maroodijeex. Ceelashan oo qayb ka ah qorshaha balaadhinta biyaha Hargaysa.
Maaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan wasiirka macdanta iyo biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale, Maayirka Caasimadda Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir, Maareeyaha wakaaladda biyaha ee hargaysa, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex iyo mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Al-khaliifa Foundation oo fulisay hirgelinta ceelal biyoodkani ayaa Madaxweyne ku xigeenku munaasabadaasi waxa uu ka sheeay iany ceelashani wax weyn ka tari doonaan baahidii biyood eek a taagnayd caasimadda, isagoo sidoo kalena mahadnaq u jeediyey Dawladda isu tagga Imaaraatka carabta oo ku deeqday ceelashan iyo shirkadda hirgelisay ee Al-Khaliifa Foundation.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland cabdiraxmaan cabdilaahi Ismaaciil waxa uu ka codsaday dawladda imaaraatka inay dhamaystirto sidii loo gaadhsiin lahaa caasimadda biyo ku filan lana hagaajiyo adeegyada biyood sida dhuumaha biyaha & berkadaha.
Wasiirka macdanta iyo biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale, oo isaguna halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in ceelashani soo saari doonaan biyo dhan lix kun oo Mitir-Kiyuubik
SDN-Hargeysa