Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka oo Jawaab Dublamaasiyadeed Siiyey Dalka Ruushka
Washington 01. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku Xigeenka dalka Maraykanka Mike Dinaar ayaa Cadeeyay in dawladiisa ay ka go’an tahay ilaalinta amaanka dalalka Balkaniska ee bariga yurub isla markaana ay ka difaaci doonaan hadii sida uu yidhi Gar daro ay kala kulmaan dalka ruushka.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo ku sugan dalka Istooniya ayaa dalka Ruushka Ku Tilmaamay Mid Cabsi ku haya dalalka balkaniska waxaanu xusay in Weerrar lagu qaado Mid ka mid ah dalalka Balkanisku uu ka dhigan yahay Weerar lagu qaaday Maraykanka.
Hadaladan ka soo Yeedhay Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka ayaa Waxay ku soo beegmayaan Xili ay Cirka isku Shareertay Xiisada Siyaasadeed u dhaxaysa Maraykanka iyo Ruushka ee ka dhalatay Amar ay soo saartay xukuumada Moscow oo ay dalka Ruushka kaga saarayso Dublamaasiyiin iyo Shaqaale tiro badan oo u dhashay dalka Maraykanka.
Waxaana dhawaqan ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka loo arkaa aargoosi iyo cuno qabatayn uu Maraykanku ku soo rogayo dalka Ruushka.
Dalalka Balkaniska oo ka Kooban Estonia, Lithuania iyo Latvia waxay dhamaantood Xoriyada qaateen Markii uu Burburay Midowgii Soofyeeti iyagoo Cabsi weyn ka qaba kadib Markii Ruushku Sanadkii 2014 uu Ka Gooyay dalka Yugrayn Gobolka Karaymiya isla markaana uu raaciyey Khariirada dalkiisa.