|

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya Oo Bartiisii Twitter-ka La Jabsaday

Nairobi:July,27,2014(SDN/QJ)-Bartii uu Khadka Twitterka ku  lahaa madaweyne-ku-xigeenka Kenya  ayaa kooxo aan la aqoonsani ay jabsadeen, iyadoo toddobaadkii  horena la jabsatay baro kale oo ciidanku lahaa.

ruutoKooxaha jabasaday barta twiterka ee madaxweyne ku-xigeenka dalka ayaa bartaasi kusoo qoraya ama soo dhigaya qoraalo aflagaado ah oo ka dhan ah dowladda Kenya.

Kooxaha Jabsada baraha twitterka saraakiisha dowladda ayaa waxay hore u jabsadeen baro badan oo ay leeyihiin siyaasiyiinta kale ee dalka iyo kuwa caalamka iyadoo mararka qaarna ay ku guulaystaan saraakiisha shirkada Twitterka inay dib u soo celiyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed