|

Madaxweyne-Ku-Xigeenka JSL & Kormeerkiisa Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Ee Ka Socda Biyo Shiinaha SAWIRO

Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayaan maareeyaha wakaalada biyaha, maayarka caasimada Hargeysa, gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, xubno ka kooban golaha wasiirada iyo masuuliyiinka ka socday xisbi xaakimka kulmiye, ayaa kormeeray mashruuca biyo balaadhinta caasimada oo wakhtigan maraya meel muhiima dhawaana la filayo inay shacbiga caasimadu helaan biyo ku filan, ku simaha madaxweynaha oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxa aynu u soo baxnay in aynu ogaano xaalada biyo balaadhinta hargeysa halkay marayso, mashruucani runtii waa mashruuc aad iyo aad u balaadhan oo qiimo leh, waa mashruuc caasimada hargeysa oo cidhiidhi badan kaga jirta adeega biyaha wax weyn ka tari doona waana tallaabadii koowaad ee runtii xukuumadaydu markii ay xilka timiday ay bilowday, sidii hawshaa loo fulin lahaa iyo culayska jira ee caasimada Ilaahay mahadii waxa lagu gulaystay in markii u horaysay sanadkii labaadba in la helo dhaqaalihii koowaad oo ay balan qaadeen midawga yurub oo dhaqaale aad iyo aad u qiimo badan oo 21milyan oo doollar ahayd, waxa kale oo kaabtay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, anigu waxan aad io aad ugu faraxsanahay dedaalkii aan u soo galnay hawshan biyo balaadhinta hargeysa inuu maanta halkii u dambeeyey uu marayo waana ta aan u soo kaxeeyey inteenan in aynu wada aragno haddii aynu xukuumadii nahay halka ay wax marayaan, qofkuna waxa uu maqlo iyo wuxuu arko way kala qiimo badan yihiin. Masuul kasta oo xukuumada ka tirsan maantana halkan jooga inuu ka turjumo dareenkiisa oo uu ummadda u sheego inay hawshii meel fiican marayso oo ay dhaw dhawdahay runtii.

aad iyo aad waxan ugu hambalyeynayaa wasaaradda biyaha, Maareeye Ibraahim Siyaad oo runtii hawl aad iyo aad u culus haya dhamaan hay’adaha inaga taageera haday dhaqaalaha tahay iyo haday tahay fulinta, Maareeyaha iyo hawladeenadiisa la shaqeeya oo dhan iyana aad ayaan ugu hambalyeynayaa hawl aad u culus ayey runtii hayaan hawlna hadaan loo dhibtoonin oon loo dhididin dheefteeda lama helo.

Mashruuca waynu u soo dhabar adaygnay muddo dheer ayuu soconayaa waxa marka la eegayo ee la rabo inuu wax tayo leh uu noqdo degdeg ma yeesho wixii la dedejiyaa tayo ma yeesho in tayadii iyo ku talo galkii 30 sano inuu jiri lahaa ayaa lagu xisaabtamayaa markaa runtii aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ummadda reer Hargeysa waxan leeyahay waxad ku bushaaraysataan in sanadkaa cusub ee 2017ka meelkasta oo Peepkii hore uu yaalo inay biyo gaadhi doonaan marka halkaa laga soo istaadho biyaha, qolada deegaankana waxan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waxanse codsanayaa dhulku wuu inaga fara badan yahay balse intani dhul mishiin loo xidho maaha ee dhulka waa inaad kordhisaan oo ugu yaraan 50m iyo 50m ama 100m ka dhigtaan waayo ceelku waa qasnad oo waa wadnihii, hadii dayrkii dabada ku hayo amnigiisu khatar ayuu ku jiraa mustaqbalkana dayr ayaa la samayn doonaa markaa si aynu u ilaalino ceelka waa in dhul balaadhan la helaa, biyaha dhulka ku jiraana waa khayraad ummaddu ay wada leedahay ninna gaar uma laha dadkan meesha Alle wada dhigay faa’iido gara ayey helayaan balse biyahaa dhulka ku jira ummaddaa wada leh ninna, lama sheegan karo, balse dadkaa kala firfircoono ninna waajibkiisu gudanayaa ninna talada ayuunbaa seegaysa oo wixii ayuu isku dhejinayaa waanad mahadsan tihiin dhamaantiinba, sida aad ula shaqayseen hay’ada hawsha wada”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha wakaalada biyaha, wasiiru-dawlaha biyaha, maayarka caasimada Hargeysa, Gudoomiyaha gobolka Hargeysa oo dhamaantoodba ku dheeraaday faa’iidada biyaha iyo baahida ay shacbigu u qabaan sidoo kalena waxay xuseen in mashruucani yahay gabaabsi dhawaana ay Hargeysi heli doonto biyo ku filan, waxaanay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ku soo wareejiyeen oo ay soo kormeereen xarumaha ay ka socdaan biyo balaadhinta iyo xarumaha keydka biyaha ee hore u jiray iyo kuwa hadda farta lagu hayo ee lagu xoojinaayo kuwii hore si caasimadu u hesho biyo wada gaadha.

Markii kormeerku soo dhamaaday weftigii uu hoggaaminaayey ku simaha madaxweynuhu waxay u soo kicitimeen dhinaca caasimada Hargseysa, waxaana intii ay jidka ku soo jireen kolanyadii baabuurta weftiga ka dhacay gaadhigii wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo ay ku wehelinayeen Xog-hayaha guud Xisbiga kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) oo ka tirsan xisbiga kulmiye iyo Direwalkii gaadhiga Waday, hase ahaayee waxa soo gaadhay dhaawacyo fudud, Madaxweyne ku xigeenkuna waxa uu ku soo noqday goobtii shilku ka dhacay isagoo mid mid u soo maray masuuliyiintaasi dhawacmay.

dsc_0004 dsc_0005 dsc_0006 dsc_0008 dsc_0012 dsc_0014 dsc_0021 dsc_0023 dsc_0028 dsc_0031 dsc_0036 dsc_0041 dsc_0046 dsc_0048 dsc_0051 dsc_0057 dsc_0058 dsc_0059 dsc_0060 dsc_0062 dsc_0065 dsc_0067 dsc_0071 dsc_0075 dsc_0079 dsc_0087 dsc_0088 dsc_0092 dsc_0097 dsc_0099 dsc_0101 dsc_0106 dsc_0110 dsc_0111 dsc_0113 dsc_0118 dsc_0119 dsc_0122 dsc_0126 dsc_0132 dsc_0136 dsc_0138 dsc_0141 dsc_0147 dsc_0156

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

    Xuseen Adan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL,

Comments are closed