|

“Madaxweyne Ku-xigeenka Iyo Xafladda Waxaan Kaga Maqnaaday Waan Xanuunsanayay” Wasiirka Khayraadka Biyaha

Hargeysa 17 Nov 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin war ay wargeysyadda dalka ka soo baxaa ay daabaceen oo la xidhiidhay inuu Isagu u cidleeyay Madaxweyne Ku-xigeenka xaflad Sabtidii lagu dhagax dhigay xarun cusub oo wasaaradiisa loo binaynayo, oo laga maal-gelinayo Miisaaniyadda dawladda dhexe.

Wasiirka Khayraadka Biyaha

“Maanta waxaan fursaddan uga faadiidaysanayaa war been abuura oo lagu qoray wargeysyadda qaarkood oo baahiyay waxaa Wasiirka Biyuhu uga maquurtay xafladii dhagax dhiga wasaaradda ee Sabtidii waxaan idiin caddeynaayaa in aanay ahayn sida ay wax u qoreen, waa been cad, mana jirto warkaasi, waxaan uga maqnaaday xafladda waan xanuunsanayay. Sidaas bay ahayd guul baaney ahayd in madaxweyne ku xigeenku noo dhagax dhigo dhismihii waasaaradda ee cusbaa, waxaanan u soo jeedinayaa warbaahintu in aanay wax iska mala-awaalin ee ay iska hubsadaan wararka ay qorayaan.,”Ayuu yidhi Wasiirka khayraadka biyaha Somaliland.

 

Wasiir Baashe Cali Jaamac, waxaa uu tilmaamay inay wasaarad ahaan wax badani u qabsoomeen oo ay doonayaan inay ka midho dhaliyaan qorsheyaashooda.

 

Wasiirku waxa uu xusay in shantii sannadood ee xukuumadda Siilaanyo tallada dalka haysay ay wasaaradiisu wadanka ka qoday ceel biyoodyo badan, isagoo balan-qaaday inay sii wadayaan arrintaasi isla markaana ay wax weyn ka qaban doonaan biyo yaraanta ka jirta deegaamo badan oo Somaliland ku yaalla.

 

 

Comments are closed