“Madaxweyne Ismaaciil C.Geelle Wuxuu Rabaa Inuu Yeedhiyo Cidda Somaliland Madaxweyne U Noqonaysa, Hargeysaba Telefoonka Jabuuti….”
Hargaysa 24.Nov 2015 (SDN/QJ):- Amintu waa cawa darran. kala gedoonka la haybsanayo sida lagu gaadhayo dheddada iyo ceeryaamaddu inay wax ka bedeli iyo in kale mooyi. Waqtiyo adagi horay u soo mareen degelkan, misana werwerka waqtigu wuu ka xoog badanyay wixii hore.
25 sano kadib maanta Maandeeq waxay u egtahay mid si fudud u fool halaabi karta, haddaan guntiga dhiisha layskaga dhigin, oo aan loo midoobin illaalinta iyo ku fara adayga maslaxadda iyo jiritaanka karaamadda guud ee masiirka.
Xukuumaddu waxay goor dambe shalay ku dhawaaqday halista faragelin siyaasaddeed oo khatarteedda yeelan karta haddaan laga hortegin, taasoo ay ku sheegtay inay wadaan Turkiga iyo maamulka Soomaaliya, isla markaana ay hore uga hadleen xisbiyadda mucaaradku ka hor intaanay xukuumaddu tiraabin.
Mashaariicdu way badan yihiin, waxa la wada og yahay iyo waxaan la wada ogaynba waxa la tilmaamayaa inay faragelin siyaasadeed oo badani ku socoto Somaliland, isla markaana waxa isa soo taraya ka wada hadalka iyo ka wada sheekaysiga dadka dhexdiisa ee amuuraha halista ku ah Somaliland.
“Jabuuti way xidhatay xadkeedda, alaabtana degtaa lagaga soo qaataa marka xadka la soo gaadho oo loola soo gudbaa dhanka Somaliland,halkii ay ka ahayd in gaadhigu soo gudbo. Markaa Jabuuti inaggaa jecel, balse iyadu inama jecla.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ganacsi ahaan isaga goosha labada dhinac. Xukuumadda odayga waayeelka ah ee Axmed Siilaanyo ayaa lagu dhaliilaa inay lumisay gebi ahaanba kalsoonidii beesha caalamka iyo saaxiibaddii ay Somaliland ku lahayd caalamka, oo xilligii uu taladda la wareegay tiro ahaan iyo tayo ahaanba marayay meel sare, isla markaana waxa la tilmaamaa in taasi hoos u dhigtay maqaamkii Somaliland ka joogtay masraxyadda siyaasada mandaqada iyo caalamkaba.
Sidoo kalena intii xukuumaddani talinaysay waxa loo arkaa in dhaawac wayni gaadhay hannaankii koriinka dimoqraadiyadda Somaliland, taasoo qayb ka ah qoddobada sumcad xumadda wayn ku ah koritaanka nidaamkan dhawr iyo labaatanka sano ka faquuqan dunnida, haatana loo arko inuu ka sii fogaanayo.
“Xitaa dalalka jaarka gaar ahaan dawladda Itoobiya, oo ah ta ugu nasteexa roon marka loo eeggo hirgelinta qaddiyadeena, shantaa sannaba way yaaban yihiin, misana waxay rajaynayaan inuu mar uun soo laabto xidhiidh laysku halayn karo oo loogu wada shaqayn karro sidii hore oo kale, kaasoo intii xukuumaddani taladda Somaliland haysay u muuqda mid baaxaadegayay oo isku halayntiisu aanay fiicnayn.” Sidaa waxa ku doodday mid ka mid ah dadka faalleeya arrimaha siyaasadda gobolka oo la hadlay wargeyska Ogaal.
Inkastoo marar badan sidaa lagu sifeeyay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland intii xukuumadda Kulmiye taladda la wareegtay, haddana waxa la tilmaamaa Itoobiya oo ah dalka ugu awoodda badan mandaqadu inay si taxadir leh oo ixtiraam leh hadba dhan loo dhigaba ula macaamilayeen Somaliland, faragelinna aanay ku yeelan gudaha, halka xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loo tirinayo inuu faragelin siyaasadeed oo xoog leh haatan ku hayo Somaliland. “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle faragelintiisa siyaasadeed ee Somaliland ma qarsoonna, wuxuu faraha kula jirraa arrimaha doorashooyinka, loollanka murashixiinta iyo khilaafaadka xisbiyadda siyaasadda. wuxuu rabbaa inuu yeedhiyo cidda madaxweyne u noqonaysa somaliland, malaha Hargeysaba waxay dhawraysaa telefoonka Jabuuti iyo wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle soo yidhaahdo.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid dad ka wada dooddayay saamaynta Jabuuti oo ku kulansanaa mid ka mid ah goobaha lagu kulmo ee magaaladda Hargeysa.
Hadal haynta mawduucan ee dadka dhexdiisu waa mid wayn oo beryahanba isa soo taraysay, isla markaana waxa la tilmaamaa in lacag badan oo dhankaa loo tirinayo loo adeegsaday arrimaha gudaha ee la xidhiidha tartanka iyo loollanka siyaasadda daakhiliga ah ee Somaliland, kuwaasoo loo malaynayo inay ku beegsanayso danno ganacsi iyo siyaasdeed oo u gaar ah, balse dhanka kale loo arko waxyeelo ka dhan ah midnimadda iyo jiritaanka Somaliland iyo hannaanka dimoqraadiyadeed oo lagu tilmaamo mid aanuu jeclayn hogaamiyaha Jabuuti, oo warbaahinta caalamka ee wax ka qortay siyaasadiisu ku suurayso mid ka mid ah kelitaliyayaasha dalalka Afrika ee kala badh tiradda dadkoodu ay garaadsadeen iyagoo tallada haya.
Dhanka kalena Madaxtooyadda Somaliland lafteeda ayaa la tuhunsan yahay inay ku wada socdaan qorshayaal la ollog ah arrimahaa. Hase ahaatee ma jiraan warar xaqiijinaya tuhumadaasi.
Guud ahaan wixii ka soo kordha arrimaha siyaasadda ee mawduucan wuxuu Ogaal ku eegi doonnaa cadadyada dambe.
Xigasho Wargayska Ogaal