|

“Madaxweyne, Geesinimada Ay Xisbiyadu Ku Bideen Yaanay Ku Qadin Beelaha Muuse Dhariyo…” Suldaan Abuu Sufyaan

Hargeysa, 5 August, 2016-(SDN/QJ): – Suldaan Maxmed Nuur Muuse (Suldaan Abu Sufyaan) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Muuse Dhariyo ee Somaliland, ayaa ka hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada ee Xalkeeda laga sugayo Madaxweynaha, waxaanu Madaxweynaha ka codsaday inuu Qorshaha ku darsado sidii Golaha Kuraas looga siin lahaa Beelaha Muuse Dhariyo.

Suldaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Beelaha uu Salaadiintooda ka mid yahay aanay Golaha Wakiillada ku lahayn Xildhibaan Matala oo Xaqooda iyo Baahiyahooda ka hadla, sidaa daraadeed loo baahan yahay inay Kuraas ku yeeshaan.

Suldaan Abuu SufyaanSuldaan Abu Sufyaan oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Baryahan Waxa la hadal hayaa Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada Somaliland, waxa jirta Ummad deggan Gobol kasta oo Dalka ka mid ah koone illaa Koone, laakiin Dhowr iyo labaatankaa Sannadood ee Somaliland jirtay aan Golaha Wakiillada ku lahayn Cid Matasha oo Xaqeeda ka hadasha.”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay, “Madaxweynaha Somaliland wuxuu in badan ku dedaalay siday uga muuqan lahaayeen Golaha Wakiillada, Waayo? Maaddaama oo uu yahay Siyaasi weyn oo Ruug-caddaaya wuxuu dareemayaa haddii Ummadda intaas leeg ay Golaha Wakiillada ka maqan yihiin in Qarannimada Somaliland weli wax la tabayo. Sidaa daraadeed Beelaha aan ka hadlayo ee aan Salaadiintooda ka mid ahay waa Beelaha Muuse Dhariyo. Beelaha Muuse Dhariyo ee dalkan Deggani dhowr iyo Labaatankaa Sannadood way ka maqan yihiin Golaha Wakiillada, waxay uga maqan yihiina waa Duruufo dhaqan oo Qallafsan oo ku habsaday ayaa u saamixi waayay inay Meelaha qaarkood soo gaadhaan, waxaana ka mid ah Duruufo Deegaan, Waayo? Dadka Codka ku soo baxa waxay leeyihiin Deegaanno Codkoodu ku urursan yahay, duruufo Dhaqaale ayaa jira oo dib u dhigay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa Anigoo ku hadlaya Magacooda Beelaha Muuse Dhariyo waxay xaq u leeyihiin inay Golaha Wakiillada ka dhex muuqdaan. Haddii Maanta Duruufuhu u saamixi waayaan, xaq waxay u leeyihiin inay Kooto iyo Is-Xambaar ku yimaaddaan. Waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne Geesinimada ay Xisbiyadu ku bideen ee Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada yaanay ku qadin Beelaha Muuse Dhariyo.”

Comments are closed