|

Madaxweyne Geelle oo xaaladiisa cafimaad la shaaciyay

Jabuuti September 29, 2024(QJ)-Dowladda Jabuuti ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan caafimaadka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xili la isla dhexmarayo in uu maanta dalkaa dib ugu laabtay.

Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay in madaxweyne Geelle uu caafimaad qabo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in walaac laga muujinayo xaaladiisa. Wasiirka Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uu caafimaad qabo. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in madaxweynuhu xoogaa xanuun ah u ka dareemayo jilibka midig laakiin ma bixin faahfaahin dheeraad ah.

“Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, xaaladiisuna way wanaagsan tahay. Waxaa laga yaabaa inaad nacdo hoggaamiye ilaa heer uu si been abuur ah ugu dhawaaqo dhimashada qofka muslimka ah…haa, xoogaa xanuun ah ayaa ka haya jilibka midig, laakiin waa bani’aadam,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaleh.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan la isla dhexmarayay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Geelle, iyadoo la sheegay in xaaladiisa caafimaad loo dhigay isbitaal.

Leave a Reply