Madaxweyne Geelle oo u socdaalay Qatar ka dibna uga gudbaya Turkey,maxey tahay sababtu?
Jabuuti Mar 06,2012(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle ayaa shalay ka anbabaxay dalaka kiyoo ku sii jeeda dalka Qatar isaga oo halkaa uga sii guddbi doona dalka Turkiga.
Warbaahinta dalka ayaa sheegtay in u jjeedada safarku yahay sidii ay Jabuuti cilaaqaadka ay dalalkaa la leedahay kor loogu qaadi lahaa.
Madaxweyne Geelle ayaa lagu wadaa in uu madaxda dalalka Turkiga iyo Qatar kala hadlo dhinacyada horumarinta,maalgelinta iyo ganacsiga.
Balse ilo wareedyo madaxtooyada ku dhaw ayaa tibaaxay in u jeedada ugu weyn ee uu madaxweynuhu dalalkaa xiligan u booqanayo ay tahay shirka Juun lagu wado in uu ka dhaco dalka Turkiga ee looga arinsan doono Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle ayaan ku qanacsaneyn natiijadii ka soo baxday shirkii London khaasatan qodobka lixaad.
Madaxweyne Geelle ayaa ka mid ah dalalka Geeska ee sida weyn u xiseeyay siyaasada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti waxa dalka Turkiga uga siii horeeya wasiirkiisa Diinta iyo Awqaafta oo ah ruuxa qudha ee uu u wakiisho arimaha Soomaaliya.
SDN-Jabuuti