|

Madaxweyne Gaas Oo Sheegay in Aan La Odhan Karin Shirkii Kismaayo Fashil Ayuu kusoo Dhamaaday

gaas

Garoowe,21jan,2016(QJ/SDN)-Iyadoo dhawaan uu fashil kusoo idlaaday shirkii wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Kismaayo ayaa waxaa fashilka shirkaasi beeniyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo ka hadlaayay arimaha shirka fashilmay ayaa sheegay in marnaba aan la dhihi Karin, in shirka uu fashilmay waxa uuna tilmaamay in shirka uu ahaa mid u hakaday isfahan la’aan oo kaliya.

Waxaana uu sheegay in lagu balamay shirar kale si loo sii amba qaado wada hadalada ku aadan meesha ay ku wajahan tahay Soomaaliya, maaddaama dabayaaqada Sanadka 2016 ka uu qorshuhu yahay in dalka ay doorashooyin ka dhacaan.

Maamulkiisa ayuu sheegay in mar waliba uu diyaar u yahay inuu sii ambaqaado shirka lagu xalinaayo aayaha Somalia, waxa uuna dhanka kale Dowladu ugu baaqay inay kasoo dabacdo halka ay hada taagan tahay.

Ugu danbeyntii shacabka soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in dhankooda ay ka dadaalaan islamarkaana ay u ololeeyaan xal u helida is fahanwaaga shirka.

Comments are closed