Madaxweyne Gaas oo ku baaqay joojinta colaadda qeybo ka tirsan Sool
Garowe,September 24,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay joojinta colaad ka taagan deegaanno ka tirsan gobolka Sool.
Dad xoolo-dhaqato ah ayaa ku dagaallamaya deegaannada Qorilley, Magacley iyo dhulka hawdka ah ee Sool, waxaana ilaa hadda ku dhintay dad gaaraya 15 qof, tiro kalena way ku dhaawacantay.
Colaadda u dhaxeysa dadka reer miyiga ah ayaa in muddo ah soo jiitameysay, waxayna salka ku haysaa muran la xiriira daaqa xoolaha iyo
Isagoo ku sugan Muqdisho, Cabdiweli Gaas ayaa ugu baaqay culumada, madax dhaqameedka, isimada, ganacsatada iyo waxgaradka deegaannadaasi inay u kacaan sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen daminta colaadda.
Beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya ayuu ugu baaqay inay si deg-deg ah ku joojiyaan colaadda, miiska wada-hadalkana isugu yimaadaan si ay u gaaraan xal rasmi ah oo looga gudbi karo colaadda taagan.