|

Madaxweyne Gaas oo furay wadada Islaan Maxamed

Garoowe Feb 20,2014(SDN)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray Wadada Islaan Maxamed oo laami laga dhigay islamarkaasina shaqadu ka socotay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirada arrimaha gudaha, hawlaha guud, maaliyada iyo amniga ayaa wehelinayay, taliyaasha booliska, maamulka gobolka Nugaal, duqa degmada Garowe iyo madaxa mashruuca JPLG ee dhisay wadadan Patrick Doung ayaa iyaguna joogay.
Madaxweynaha Puntland oo furitaanka ka dib hadal kooban jeedshay ayaa ku sheegay barnaamijka JPLG mid ka mida kuwa ugu wanaagsan mashaariicda ay Qaramada Midoobay ka fuliso Somalia.
Maamulka gobolka Nugaal iyo degmada Garowe ayuu madaxweynaha Puntland ku amaanay inay ka soo baxeen shaqadii loo igmaday, isagoona raaciyay wada shaqeyn dhexmarta  maamulka iyo shacabka in lagu guuleysanayo horumarka la tiigsanayo.
Madaxweynuhu intaasi ka dib waxa uu dhagax dhigay Waddada Dowladda Hoose hor marta oo isku xirta Barxada Garowe iyo Bangiga Dhexe.
Xarunta Dowladda Hoose ayaa kulan kooban uu kula qaatay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha amaanka, waxana intaasi ka dib uu tagay xafiiska diiwaangelinta aqoonsiga dhalashada Puntlandinimada oo uu madaxweynuhu iska diiwaangashay lana gudoonsiiyay kaarkiisa aqoonsi.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed