|

Madaxweyne Firdhiye oo casuumad ka helay Ismaaciil Cumar Geelle

Laascaanood July 06, 2024(QJ)-Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo C/qaadir Axmed Cali ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti, kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Bayaan ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay muhiimadda ay socdaalkani u leedahay xoojinta walaaltinimada, nabadda, xasilloonida gobolka iyo taageeridda dhismaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

C/qaadir waxaa la socday dhowr wasiir iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan SSC Khaatumo oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo sidoo kale Taliyeyaal Ciidan.

Horay SSC Khaatumo waxay Jabuuti ugu eedaysay inay ku lug leedahay colaada Laascaanood. Hase yeeshee, wasiirka maaliyadda ee Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymahaas, isagoo sheegay inaanay Djibouti door ku lahayn colaadda.

Comments are closed