Madaxweyne Filibiin oo Mar Kale Hadal Dareen abuuray Ku Ganay Dhigiisa Maraykanka Brack Obama
Hargaysa 05, October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ayaa markale weeraray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama isagoo ku yiri “cadaabta tag.”
Duterte wuxu sheegay in Washington hub ka iibin diiday balse aysan taasi culays ku hayn maadaama ay diyaar ula yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
Wuxu sii raaciyey inuu bedelayo siyaasadiisa arrimaha dibada sababta oo ah Maraykanku wuxu ku guuldaraystay inuu gacan siiyo Filibiin.
Duterte wuxuu ku goodiyey inuu burburin doono xiriirka ka dhexeeya labada dal, ma cadayn talaabada uu qaadi doono.
“Hadii aadan doonayn inaad hub iga iibisid, waxaan aadayaa Ruushka. Waxaan u diray Ruushka Janaraalo waxayna noo sheegeen in aanan welwelin” ayuu yiri Duterte oo sii raaciyey inay Moosko u sheegtay inay hayso wax kasta oo uu rabo ayna siin doonto.
Wuxuu kaloo sheegay inuu Shiinuhu ku yiri “Kaalaya oo saxiixa keliya kadib wax kasta waa idiin keenaynaa.”