|

Madaxweyne Faroole oo Kormeer ku Tagay Xarunta Idaacada iyo Telefishanka Punt land oo la Qalabeeyay

Garowe 15.Dec 2013 (SDN)- Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta idaacadda iyo telefishinka Puntland oo qalab cusub oo casri ah loo keenay.

Waxa wehelinayay madaxweynaha masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan iyadoona uu soo dhoweeyay agaasimaha guud ee warbaahinta Puntland Axmed Maxamed Cali Kismayo.

Axmed Kismayo ayaa Warbaahinta u sheegay in booqashada madaxweynuhu ku salaysnayd laba arimood oo kala in Telefishinku inuu ka baxay tijaabadii oo uu galay hawada si rasmi iyo weliba Anteeno local 100 KM ka shaqeyneysa oo iyana xariga lag ajray.

‘’Horey telefishinku qalabka ayaa u xayirnaa waan helnay, hawada ayaanu gelinay, waxana sidoo kale rajayneynaa in magalooyinka kale uu u gudbo TV-gu si Puntland oo idil si local ah looga daawado” ayuu yiri Axmed Kismayo.

Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed ayaa u mahadceshay maamulka warbaahinta Puntland, xiriiriyha mashaariicda Talyaaniga ee Puntland Eng. Axmed Kitaara, waxana uu ku booriyay ganacsatada iyo aqoonyahanada inay dalka dib ugu soo nqodaan kana qaybgalaan horumarka socda.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Farole muhiimadda uu telefishinkan ugu fadhiyo umadda reer Puntland, isagoona sidoo kale ka waramay heerarkii kala duwanaa ee shaqadiisu soo martay.

Hadalkiisa ayuu raacshay Dr. Farole in todobaadkan uu la kulmi doono musharaxiinta Puntland oo horey uu uga aqbalay codsi ay soo gudbiyeen.

Amaanka iyo nabadgelyada in laga wada shaqeeyo ayuu ku soo dhameeyay hadalkiisa madaxweynuhu oo Telefishinkan markii ugu horeysay furey April, 2013.

G7 G6 G5 G4 G3 G2 G1

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed