Madaxweyne Faroole oo ka cataabay wada hadalka loo qoondeeyay Dawladdaha Somaliland iyo Somalia
Garoowe, 11, Mar (SDN)- Madaxweynaha Maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku tilmaamay mid ay Puntland uga xaq leedahay.
Madaxweyne Faroole ayaa hadal calaacal u eg kaga hadlay gobollada Somaliland ee Sool iyo Buuhoodle oo uu xusay in Somaliland xoog kaga haysato Puntland.
“Somaliland oo wada hadal lala furaa waa wax la doonayay, laakiin cid bay wax ka dhexeeyaan, Soomaaliya oo dhan wax way ka dhexeeyaan, laakiin cid bay wax ka dhexeeyaan 99%, waa cidda ay deegaankeeda qaar haysato ee ay dadkeedii dagaalo la gashay, sida Kalshaale, Laascaanood iyo Buuhoodle, wax kasta oo Somaliland lala galayo haddaan Puntland ku jirin waa waxba kama jiraan.” ayuu yidhi Madaxweyne Faroole.
Hadalka xilligan ee Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland ayaa loo macnayn karaa inuu ka xumaaday qaabka loogu qaabiley shirka London iyo waliba qodobadii ka soo baxay ee sida gaarka ah loogu xusay Somaliland iyo Soomaaliya inay wada hadal toos ah yeelan doonaan.
SDN