Madaxweyne Farmaajo & Wefti uu Hogaaminayo oo u Dhoofay Waddanka Sucuudiga oo uu Ku Sugan Yahay Madaxweynaha Maraykanku DAAWO
Muqdisho 20. May 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho Isagoo Ku Sii Jeeda dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galaya shir heer sare ah ay leeyihiin Hogaamiyaasha Wadamada Jaamacada Carabta iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.