Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Somaliyeed u Sheegay Hadal Ka Farxiyey Kadib Ka Soo Laabashadiisii Sucuudiga & Asbaabaha uu Ku Xushay Raysal Wasaarihiisa Cusub DAAWO
Muqdisho 27. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo safar dibada ah ka dib , gudaha dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu ka farxiyay shacabka Soomaaliyeed .
Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku maqnaa dalka Saudi Arabia ayaa waxa uu sheegay inay isku soo afgarteen dhamaan codsiyadii ay hor dhigeen Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya .
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Suciidiga ay ka aqbaleen qodobo muhiim ah sida in xayiyaarada laga qaado Xoolaha Soomaalida , in abaaraha ka jira dalka ay u soo gurmadaan iyo in Garoon cusub iyo xafiisyada dowlada loo dayactiro .
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar la weeydiiyay sababta uu u soo xushay Raisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxa uu sheegay in uu yahay shaqsi nadiif ah oo waxqabadkiisa uu isku hubo una soo shaqeeyay hay´ado gargaar .